Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku guulaystay inuu ka mid noqdo xildhibaanada Aqalka sare ee Puntland.
Codeyn ka dhacday goor dhoweyd baarlamaanka Puntland fadhigiisa magaalada Garowe ysaa lagu shaaciyay inuu C/raxmaan Faroole ka guuleystay musharixii Cabdi-Mahdi Abshir Cusmaan.
Natiijadii cod bixinta ayaa noqotay:
C/raxmaan Faroole: 59 Cod
Cabdi-Mahad Abshir: 5 Cod
Waxaa sidaas ku guuleystay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud (Faroole), waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu kursigaasi helay C/raxmaan Faroole.
Hore waxaa kursigii koowaad ugu guuleystay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke).
Goobjooge.com