Magaalada Garowe ayaa maanta lagu soo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo Muqdisho ka tegay markii uu ka tanaasulay musharaxnimada xilka madaxweynaha.
Boqolaal qof, mas’uuliyiin iyo Ciidamo ayaa ka qeybgalay soo dhaweynta Cabdiraxmaan Faroole, oo warar saaka soo baxay ay sheegayaan in maamulka Puntland uu diiday in la soo dhoweeyo xildhibaanka ka tirsan Aqalka Sare.
Faroole ayaa si weyn u dhaliiyay doorkii ay madaxda maamul goboleedyada ku yeesheen doorashadii madaxweynaha Soomaaliya. Wuxuuna beeniyay inuu qeyb ka yahay olole lagu doonayo in xilka looga qaado madaxweyne Gaas.
Wuxuu sheegay in madaxda Puntland oo waxba u qaban dadkooda ay baqayaan, balse aanu jirin olole u isagu qeyb ka yahay.
DAAWO SAWIRRO