Wednesday, June 25, 2025

C/salaan Gallan oo ciidamo ka abaabulay Gobolka Bari & Dagaal laga cabsi qabo inuu qarxo

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/salaan Gallan oo dhowaan ay isku dhaceen maamulka Puntland markii weerar lagu qaaday gurigiisa laguna eedeeyay arrimo kala duwan ayaa abaabulay ciidamo fara badan oo jabhad ah kana soo jeeda Gobolka Bari.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada uu wato C/salaan Gallan oo u badan beeshiisa oo ka gadoodsan cadaalad darrada ka jira maamulka Puntland ay  xalay gaareen  tuulada Kalabayr  oo magaalada Boosaaso u jira ilaa 40 KM.

Warar kala duwan ayaa ka soo baaya ciidamada Cabdisamad Gallan oo la sheegay inay ku hubeysan yihiin gawaari gaashaaman, waaraadyo, iyo qalab ciidan oo kala duwan.

Waanwaan ay wadeen isimada Bari si loo heshiisiiyo maamulka C/weli Gaas iyo C/salaan Gallan ayaan weli horumar sameyn, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal ka qarxo gobolka Bari.

Xaaladda ka taagan Gobolka Bari ayaa lagu sheegay inay salka ku heyso qeybsiga awoodda iyo dhaqaalaha Puntland oo reer Bari ay doonayaan in si federaal ah loo qeybsado gobol walibana dhaqaalihiisa loo daayo, waxayna ka cabanayaan in Gobolka Bari ay dad kale iska maamushaan. Tani waxay muujineysa in xaqiiqada federaalnimada ay Puntland hadda uun dhadhamineyso.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON