Ra’iisal wsaaarihii hore ee Somaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke kana mida Senatoorada Aqalka Sare ayaa soo jeeidyay baarista Shaqaaqooyinkii dhacay 19-ka Febraayo 2021.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in bedqabka mustaqabla dalka ay u wanaagsan tahay in la dhiso Guddi dhexdhexaad ah oo xaqiiqada ka sal gaara, soona baara dhacdooyinkii 19-kii Febraayo 2021 ee keenay in iska hor imaadyo ka dhacaan magaalada Muqdisho.
Cumar C/rashiid oo laba jeer Ra’iisal wasaare ka noqday Soomaaliya ayaa ku baaqay in laga waantoobo gacan-k-hadalka, wuxuuna xaqiiqada ay soo bixi doonto, halka dacaayadaha ay iska baabi’i doonaan.
Musharixiinta Madaxweynaha oo ay ku jiraan Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa lagu weerarray hotel ay deganaayeen, halka rasaas lagu furay bannaanbax ay hoggaamineyaan musharixiin ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Kheyre, waxayna dowladda Federaalka sheegatay in ciidamadeeda lasoo weerarray.
