Sunday, July 20, 2025

Cumar C/rashiid oo ku marti qaaday Axmed Madoobe inuu yimaado Muqdisho

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali (Sharma’arke) ayaa Muqdisho ku soo laabtay galabnimadiid maanta kadib markii uu socdaal saacado qaatay ku tegay m agaalada Kismaayo isagoo ka soo laabtay socdaal uu ku aaday dalka Mareykanka.

omar-madobe

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa wadahadal magaalada Kismaayo kula yeeshay hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, wuxuuna inay isla meel dhigeen xalinta arrinta Wakiilada Maamulka Juba ee Baarlamaanka Soomaaliya sharci darrada ka dhigay.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Madaxda Kismaayo ay kala hadleen cabashada ka taagan dhismaha Baarlamaanka Jubba, iyo in la soo celiyo kalsoonidii iyo xiriirka dowladda kala dhaxeeyay  Maamul Jubba. Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa xaqiijiyay inuu madaxda Jubba  ku casuumay inay Muqdisho yimadaan si arrimaha dhiman la iskula meel dhigo.

Waxaa sidoo kale qabanqaabadiisa socotaa shir ay madaxda maamulada dalka ku yeeshaan magaalada Muqdisho iyadoo la ogyahay in xiisado ka dhex jiraan dhammaan maamulada iyo dowlada federaalka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON