Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa magacaabay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka 2016.
Guddigan oo ah mid awood badan, isla markaana qaabilsan ansixinta kuraasta la isku qabsado iyo hubinta doorashada ayaa ka kooban 25 Xubnood oo isugu jira rag iyo haween, iyadoo loo qeybiyay qaab beeleed ayna keensadeen madaxda Madasha Qaran.
Magacaabidda Guddiga xalinta khilaafaadka ee Doorashooyinka ayaa dib u dhac ku yimid, iyagoo hore loo filayay in la magacaabo horaantii bishan.
AKHRISO MAGACYADA GUDDIGA
Goobjooge.com