Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa gaaray Magaalada DJabuuti ee Dalka Jabuuti.
Socdaalka Cumar C/rashiid ayaa qeyb ka ah ololihiisa musharaxnimo ee doorashada 2016, waana dalkii labaa ee ka tirsan dalalka IGAD ee ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo uu booqdo.
Cumar C/rashiid ayaa muddo laba jeer ah oo maalmo kooban u dhaxeeyay isaga daba laabtay dalka Kenya, waxaana uu kadib tegay dalka Imaaraadka Carabta oo ka dhigtay mid ka mida laba musharax oo ay dooneyso inay ku soo baxaan hogaanka Soomaaliya 2016 kadib.
Socdaalka Jabuuti ayaa ku saabsan sidii uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ugu qancin lahaa musharaxnimadiisa, iyadoo la ogyahay in Jabuuti ay si weyn u taageersan tahay madaxweynaha xilka haya ee Xasan Sheekh.
Taageerada Cumar C/rashiid ka heysto Imaaraadka iyo Kenya ayaa dad badan shaki ka muujiyeen iyadoo muran dhinaca Badda ah uu Soomaaliya kala dhaxeeyo dalka Kenya, isla markaana Imaaraadka uu loolan ku jiro Turkiga oo kaalin weyn ku leh Soomaaliya.
Goobjooge.com