Sunday, July 6, 2025

Cumar Filish oo shaaciyey Dad Muqdisho ugu dhintay Coronavirus: “Qaar waa la aasay, qaarna weli lama aasin..”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in dad badan oo Muqdisho ku nool ay la xanuunsanayaan cudurka Coronavirus ayna u dhinteen qaar ka mida oo la aasay iyo qaar kale oo aan weli la aaasin.

Isagoo la hadlay warbaahinta ayuu sheegay Duqa Muqdisho in dad uu yaqaan ay u dhinteen cudurka, isla markaana ay ahaayeen dad uu garanayo oo qaarkood la aasay, qaar kalena aan weli la aasin, sida uu yiri.

“Cudurka waa soo gaaray Muqdisho, dad badan ayaa u ildarran, qaarna waa u dhinteen anigu aan garanaayo oo aan dibad ka imaan oo dalkooda joogay ayaa u dhintay oo qaarna la aasay qaarna aan weli la aaasin…” ayuu yiri Duqa Muqdisho oo si cad u sheegin tirada dadka u dhintay cudurka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa kaliya xaqiijisay hal qof oo cudurka ugu geeriyooday Coronavirus, laakiin warka kasoo yeeray Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa waxaa ka muuqata in dadka cudurka u dhintay in kuwa sida ay ka badan yihiin inta ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON