Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee u socda madaxda Soomaalida ee ku shiran Muqdisho ayaa la sheegay in go’aan aan weli laga gaarin xaaladda Gobolka Banaadir iyo tirada aqalka sare laga siinayo.
Wararka qaaar ayaa sheegaya in la isku mari la’ yahay soo jeedin ku saabsan in Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka sare 8 xubnood oo 4 ka mida loo qoondeynayo beelaha ugu badan ee degan Muqdisho iyo 4 xubnood oo si siman loogu qoondeeyay beelaha kale.
Arrintan ayaa dhalisay dood ku saabsan maqaamka Muqdisho iyo tirada cusub in lagu darayo tiradii hore ee 54-ka xubnood ku saleysneyd.
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubba C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay ka biyo diideen arrinta Muqdisho iyagoo ku dooday in heshiiskii hore ay wax u dhimeyso, waxaana markii danbe arrinta ugu culus ay noqotay tirada la siinayo Gobolka Banaadir iyo sida loo qeybinayo oo aan weli lagu heshiin, lana filayo in waqti dheeraad ah ay qaadato.
Goobjooge.com