Friday, June 27, 2025

C/weli Gaas: “Dagaalka Gaalkacyo waxaa laga hurinayaa Xamar, waana iska difaaceynaa…” (Dhageyso)

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa  maanta dib u laabtay magaalada Boosaaso kadib socdaal uu ku tegay Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay ku eedeeyay dagaalka Gaalkacyo in laga wado magaalada Muqdisho oo ay ka dambeeyaan madaxda sare ee dowladda Federaalka.

Gaas

“Gaalkacyo waxaa laga wadaa dagaallo, dagaalkaasoo aan Cadaado kaliya laga wadine,  laga soo Abaabulay Xamar, waxa duulaanka  wadana waa Dawladda Federaalka Soomaaliya… Doorasho ayaa laga hadlayaa iyo dowlad 2016 la dhiso…. caddow duulaan kugu ah si wax loola dhisanayo maba garanayo anigu… ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

DHAGEYSO CODKA C/WELI GAAS

Madaxda Puntland ayaa si joogto ay ugu eedeysa dowladda Federaalka inay wado dagaalka Gaalkacyo xilli Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ku sugan yahay Garowe oo ay ka diideen nabadii uu waday.

Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu yimaado Gaalkacyo si uu nabadda  uga qeyb qaato.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON