Wednesday, June 25, 2025

C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo qorsheyaal fashilin ah la imaanaya shirka wadatashiga Muqdisho

Hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Jubba C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo maanta imaanaya magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in diidmo hor leh iyo gadood ka dhex sameyn doonaan shirka wadatashiga hiigsiga cusub ee Muqdisho ka furmaya maanta.

madoobe-gaas

Wararka ay heleyso Goobjooge.com ayaa sheegaya in madaxweyne C/weli Gaas ay weli u taagan tahay khilaafkii kala dhaxeeyay dowladda Federaalka siiba madaxweynaha Xasan Sheekh ee ku saabsan arrinta Galmudug, Dastuurka KMG ah iyo awoodaha maamulada jira, halka Axmed Madoobe ka careysan yahay in maamulkiisa KMG loo yeerayo weli.

Waraaqihii casuumadda shirka ee loo diray Maamulka Jubba ayay ku caddeyd inuu yahay maamul KMG ah, taasoo dib u soo nooleysay caradii Axmed Madobe ee shirkii hore, waxaana marka uu Muqdisho yimaado la filayaa in arrinta ugu weyn ee maamulkiisu ka hadlayo noqon doonto sidii magaca kumeelgaarka looga bedeli lahaa.

C/weli Gaas oo isku dayay inuu shirka dib u dhigo balse ku guuldarreystay ayaa dhinaca kale isna isu diyaarinayo inuu la soo baxo qorshihiisii u gaarka ahaa ee hiigsiga cusub, taasoo xaalada ka dhigi doonta shir qolaba dhinac u jiideyso, waxaase rajo laga qabaa in beesha caalamka ay arrimahaas xaliso.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON