Madaxwaynaha Puntland C/weli Cali Gaas ayaa maanta Jimcihii wuxuu Gurigiisa ku booqday madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo magaalada Garowe yimid Arbacadii isagoo kasoo dhoofay magaalada Hargeysa.
Booqashada Dr .Gaas ayaa ku saabsaneyd tacsi uu Md. Faroole uga tacsiyadeeyay geeridii xaaskiisii Aamina Habiib oo si murugo leh loogu dilay magaalada Garowe.
Labada nin ayaa si weyn isugu gacan qaaday siyaarada, waxayna is dhaafsadeen tacsi iyadoo aanay dhici wax intaas dhaafsiisan sida ay ku warameyso madaxtooyada Puntland.
Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa ka mamnuucday TV-ga Puntland inuu sii daayo soo dhoweyntii Garowe loogu sameeyay C/raxmaan Faroole oo u dhacday si aan la fileyn, taasoo kaga yaabisay dadka Puntland.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]