Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta booqday dhaawaca Wasiirka amniga dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ku jiray Isbitaalka Cumar Xasan Al-Bashiir ee magaalada Jabuuti ku booqday oo lagu dabiibayo Isbitaalka.
Wasiir Qarjab oo dhowaan dhaawac ka soo gaaray lugta ayaa la sheegay inuu muddo ku sii jiri doono Isbitaalka, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka.
Mudane Gaas oo booqday wasiirka ka waraystay guud ahaan xaaladihiisa caafimaad iyo dareenkiisa. Wasiirka Wasaaradda Amniga dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in xaalkiisu degan yahay.
DAAWO SAWIRRO