Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa degdeg usoo afjaray socdaalkiisii dalka Mareykanka, isagoo soo gaaray Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kulamo kula leeyahay madax dalka Itoobiya.
Socdaalka C/weli Gaas ee Itoobiya ayaa lagu sheegay inuu yahay mid uu dowladda dalkaasi oo saaxiib la ah uga codsanayo in la siiyo taageero hub iyo saanad milateri ah oo maamulkiisu u baahan yahay xilligan oo uu dagaal kula jiro kooxo Alshabaab ah oo xeebaha maamulkiisa ka degay, isla markaana qabsaday degaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Nugaal
Golaha wasiirada maamul goboleedka Puntland ayaa war ka soo baxay shalay looga codsaday dalal ay Itoobiya ka mid tahay inay gacan ka siiyaan maamulkaasi dagaalka ay kula jirto kooxda Alshabaab, waxaana lagu eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inaysan wax xiriir ah iyo xog is weydaarsi kala dhaxeyn Puntland.
C/weli Gaas ayaa lagu wadaa inuu maanta tago magaalada Garowe si uu xaalada dagaal ee degaankaasi ka oogan ula wareego, isagoo hore loogu eedeeyay inuu ka baaqsaday degdeg ugu laabto Garowe.
Goobjooge.com