Sunday, July 13, 2025

C/weli Gaas oo diiday inay su’aalo weydiiyaan xildhibaanada Puntland (Akhri 5 qodob oo lagu heysto)

Madaxweynaha Puntland C/Weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aalo ay rabeen xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland inay weydiiyaan oo ku saabsan xaalada maamulka uu hogaamiyo ee Puntland oo ay ka mid yihiin arrimo xasaasi ah oo maamulkaasi dhibaato ku haya.

Furitaankii kafadhiga 36-aad ee golaha wakiilada Puntland oo C/weli Gaas u tegay magaalada Garowe ayaa xildhibaanada qaarkood isku diyaariyay inay madaxweyne Gaas su’aalo weydiiyaan, waxaase arrintaas la joojiyay markii C/weli Gaas la sheegay inaysan jirin su’aalo uu ka jawaabayo.

Arrimaha ugu waaweyn ee wax lahga weydiinayo Madaxweynaha Puntland waxaa ka mida:

  1. Lacago Shilin Soomaali faalse ah oo Ganacsato iyo maamulka Puntland ku daabacaan magaalada Boosaaso.

    Lacagta-cusub_wakaalada
    Lacagahan waxay ka mid yihiin kuwa faalsada ah ee Boosaaso lagu sameeyo ayna ku shirkoobeen xukuumada Puntland iyo ganacsato
  2. Mushaar la’aan heysata ciidamada maamulka Puntland

    Gadood
    Qaar ka mida ciidamada Puntland ma qaadan mushaar wax ka badan 5 bilood
  3. Go’aanadii maamulka Puntland ka gaaray dowladda Federaalka oo la fulin waayay

    MADAX
    Madaxweyne Gaas wuxuu si joogto ah uga qeyb galaa shirarka heer federaal
  4. Xaaladda xukuumadda Puntland oo saddex bilood aan wax shir ah yeelan

    puntland-golewasiiro
    Xukuumada Puntland meel iskuma sheegin wax shir ahna ma yeelan muddo 3 bilood ah intii Gaas fariisin ka dhigtay Gaalkacyo
  5. Iyo arrimo kale

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON