Monday, June 23, 2025

XOG CULUS: C/weli Gaas oo diiday lacag Malaayiin Doolar ah oo dowladda Federalka siisay

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa diiday lacag malaayiin doolar ah oo dowladda Federaalka ay siisay, kadib is faham waa’ ku yimid qaabka lacagta loo qeybiyay iyo saamiga Puntland.

Lacagtan oo qeyb ka ahayd deeq Sacuudigu siisay dowladda Soomaaliya markii xiriirka loo jaray dalka Iiraan ayaa soo gaartay dowladda oo qeyb ka mida lacagtaasi ka heshay Sacuudiga taasoo gaareysay 20 Milyan oo doolar oo loogu talogalay kabka miisaaniyada.

Qeybinta lacagta ayaa ku soo beegantay intii uu Muqdisho kasocday shirkii Madasha ayay madaxweynaha iyo  Ra’iisal wasaaraha madaxda maamulada ku wargeliyeen lacag la siinayo, iyadoo maamulada loo qoondeeyay min 2 Milyan oo doolar.

Ad

Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed ayaa la siiyay min 2 Milyan oo doolar, waxaana lacagtaasi diiday inuu qaato Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo ku dooday inuusan qaadaneynin lacagta oo aan lahayn qaab loo qeybiyay iyo saamiga Puntland oo meesha ka maqan.

Dowladda Soomaaliya ayaa lacagaha deeqaha ah ee soo saaraya ay noqdeen kuwo ay qeybsadaan madaxda dowladda iyo kuwa federaalka Soomaaliya iyadoo aanay jirin xisaab xir iyo isla xisaabtan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON