Wednesday, June 25, 2025

C/weli Gaas oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay u eegto ciidamada Ajnabiga ee jooga K/Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland  C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya u soo jeediyay inay dib u eegis u sameeyaan ciidamada shisheeye ee jooga bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Isagoo ka hadlay shirka madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka ee Muqdisho ka socda ayuu si cad ugu sheegay dowladda ina dib dib u fiiriso ciidamada ajnebiga ah ee jooga koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Ciidamada ajnabiga kama waxqabad fiicna ciidanka Soomaliyeed ee har iyo habeen u heegan u ah ilaalinta sharafta iyo karaamada ummada” ayaa laga soo xigtay madaxweynaha Puntland in guul laga gaaro Alshabaab ay ku xiran tahay ciidamo Soomaaliyeed.

Dhismaha ciidamada Qaran ee qorshahooda la wado ayuu si weyn u taageeray madaxweynaha Puntland, wuxuuna soo jeediyay in la dedejiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaan weli la imaan qorshe ku saabsan ciidamada qaran, waxaana uu codsaday ciidamo Mareykan ah oo dhowaan soo gaaray Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON