Thursday, June 26, 2025

C/weli Gaas oo isu keenay Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid (Ololihii Doorashada oo cirka isku shareeray)

Ololaha doorashada xilka madaxweynaha ayaa cirka isku shareeray iyadoo caawa ay magaalada hareeyeen kulamo iyo is aragyo ay qeyb ka yihiin siyaasiyiin, musharaxiin iyo madaxda maamulada dalka.

Kulankii ugu weynaa ayaa ka dhacay xarunta Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ay isku arkeen Musharax Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed, C/wali Maxamed Gaas Madaxweynaha Puntland  iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Kulanka ayaa la sheegay inuu dalbaday C/weli Gaas oo ku soo biiray ololaha doorashada, isagoo ahaa mid albaabada loo xirtay, waxaa kaloo ka dhex muuqday xildhibaan C/risaaq Cusmaan Jurille, waxaana xogta la helay ay sheegeysaa in Puntland ay raadineyso isbaheysi ay ugu yaraan ku hesho Ra’iisal wasaare kadib markii si xoog leh u soo shaac baxay musharax Farmaajo.

C/weli Gaas ayaa hore u caddeystay inuu doonayo isbedel hogaamineed oo ka dhaca Soomaaliya, taasoo ay qeyb ka noqoto Puntland, taasoo ka duwan madaxda maamulada kale oo u ololeynaya dib u doorashada Xasan Sheekh.

Shirkan oo hordhac ahaa ayaa ujeedkiisu ahaa in mar kale lagu mideeyo musharixiinta Shariif Sheekh Axmed iyo Cumar C/rashiid, laakiin waxaa dhacday in kulankaasi kadib uu Shariif Sheekh Axmed isbaheysi la galay 10 musharax oo uu ka mid yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ololaha Doorashada ayaa ka shidan Muqdisho iyadoo dhaqdhaqaaqa socda uu yahay kan doorashada oo kaliya xilli magaalada inteeda kale ay bandow doorasho ku jirto.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON