Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Gaas ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garowe isgoo ku sii jeeda dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Gaas oo kahadlay safarkiisa Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in uu la xiriiro mashruuca casriyaynta iyo balaarinta dekeda magaalada Boosaaso oo gabagabo maraya.
“Waxaan maanta u ambabaxayaa dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo aan u aadayo heshiiskii mudo soo socday ee ahaa balaarinta iyo casriyeynta dekeda magaalada Boosaaso, heshiiska oo muddo soo socdey gebagebadiisiina la marayo waxaan rajaynayaa inuu guul ku soo dhamaado’’ ayuu yiri C/weli Gaas oo sheegay inuu magaalada Dubai ku saxiixi doono heshiiska.
Isagoo saxaafadda la hadlay intii aanu duulin ayuu caddeeyay in mashruuc wax weyn ka bedeli doono shaqooyinka dekedda Boosaaso.
Dekadda Boosaaso ayaa noqobeysa dekadii labaad ee Soomaaliyeed oo maamulkeeda ay la wareegto shirkadda Dubai World oo heshiis muran badan dhaliyay hore ula wareegtay maamulka dekadda Berbera.
Goobjooge.com