Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo isbuucii ugu danbeeyay ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa u dhoofay dalka Turkiga xilli laga sugayay magaalada Gaalkacyo.
Madaxtooyada Puntland ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynaha Puntland uu casuumaad ka helay dalka Turkiga. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin socdalka Gaas ee Turkiga marka laga reebo inuu dalkaasi kula kulmi doono madax iyo shirkado kala duwan.
Madaxweynaha Puntland ayaa hor loo shaaciyay inuu degdeg u imaanayo magaalada Gaalkacyo oo qaraxyo waaweyn ka dhaceen, laguna dilay dad ka badan 30 ruux markii baabuur miineysan Alshabaab ku weerartay xarunta dowladda hoose ee magaaladaasi.
Goobjooge.com