Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xilalkii ka xayuubiyay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Puntland iyo ku xigeenkiisii Sharma’arke Shiikhdoon iyo ku xigeenkiisa Abshir Aadan
Gaas ayaa sidoo akle magacaabay Taliye Cusub iyo Kuxigeen oo ahaa Taliyayaasha Hay’adda Nabad Sugidda Puntland Hay’ada PIA ( Puntland Intelegence agency) ayaa waxaa taliye cusub loogu magacaabay G/le Dhexe Maxamud Cabdi Maxamed, halka ku xigeenka loo magacaabay G/le Dhexe Siciid Salaad Maxamed.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Puntland ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabay taliyaha ilaalada xarunta hay’adda PIA ka degan tahay magaalada Garowe G/Dhexe Cabdiqaadir Jaamac Maxamad.
xilkaqaadista Saraakiishaan ay timid kadib wada shaqayn la’aan ka dhexjirtay mudo Agaasimaha Hay’adda PIA iyo Taliyayaasha Ciidanka.
AKHRI WAREEGTADA
Goobjooge.com