Friday, June 27, 2025

C/weli Gaas: “Sanadka ii haray i suga, anigaanba dooneyn inaan xilka sii joogee..” AKHRISO

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaaciyay inuusan mar kale isu sharxi doonin doorashada madaxweynaha Puntland marka ay u dhammaato mudadda xilka.

Wuxuu hadalka ka sheegay xaflad lagu furay shidaalka Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa sheegay inay ciddii xildooon ah ay u sugto muddo sanad ah oo u harsan maamulkiisa.

“Ciddii rabta inay meesha timaado wakhti yar baa noo haraye ha iska sugto, anigaanba dooneyn inaan sii joogno oo u baneynaynee…” ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo culeysyo badan ay soo wajaheen isla markaana maamulkiisu la kulmayo cadaadisyo badan.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayuu uga digay inay qas iyo qalalaase u adeegsadaan danahaooda gaarka ah, ayna kiciyaan dadka.

C/weli Gaas ayaa u muuqada inuu ka quustay musharaxnimo mar labaad uu isu soo taago xilka madaxweynaha Puntland oo uu hore si dirqi ah uga guuleystay madaxweynihii ka horeeyay C/raxmaan Faroole.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON