Kooxda khilaafada islaamiga ah ee Daacish ayaa sheegatay inay fal khaarijin ah caawa ka fulisay magaalada Muqdisho.
Wakaalada wararka Acmaaq ee Daacish leedahay ayaa soo werisay in dableyda ka tirdan dowladda Islaamiga ay dileen sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.
Warka wakaalada wararka ee taabacsan Daacish ayaa lagu sheegay inuu falkan ka dhacay Isgoyska Towfiiq, degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Daacish ayaa falalka ay ka fuliyo koonfurta Soomaaliya aad u yaraayeen, waxaana hadda muuqata inay joogitaan ku yeelaneyso caasimadda.
Goobjooge