Sunday, June 22, 2025

Daahir Jeesow: “Kiiska Ikraan Tahliil waxaa lagu tuhunsan yahay NISA, kama baryeyno ee waa inay…”

Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsanaa Baarlamaankii 10-aad ee Federaalka ayaa si kulul uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isagoo sheegay in warka NISA uu caddeyn u yahay inaysan nooleyn.

Wuxuu sheegay in hadda ay taagan yahay in Ikraan Cadaalad hesho, lana helo ciddii dishay. “Warqadii NISA kasoo baxday bulshada waa ku qanci weyday, aniga iyo qoyskeedana kuma qancin.. 65 maalmood aan NISA ka sugeynay waxay noqotay Shabaab ayaa dilay” ayuu yiri Xildhibaan Amiin Jeesow.

“Kuma qanceyno Shabaab ayaa dilay, Shabaabkiina waa soo hadleen.. iyagii ayaa qaadan waayey in la yiraahdo Shabaab ayaa dishal… Hay’adda NISA dib ha isugu noqoto, warcadna ay soo saarto in wax lagu qanci karo..” ayuu yiri Daahir Jeesow oo sheegay inuusan garaneynin cidda gacanta ku heysa kiiskan.

Ad

Xildhibaan jeesow ayaa yiri: “Arrinta aan NISA ka tabaneyno ma aha wax aan baryeyno, waa inay si cad uga hadlaan kiıskan..” ayuu yiri isagoo sheegay inuu tuhunku saaran yahay hay’adda NISA.

Wuxuu sheegay in laba guddi loo saaray arrinta Kiiska Ikraan Tahliil, balse ay ka hordhaceen NISA, wuxuuna ugu baaqay Farmaajo iyo Rooble inay guddi cusub u saaraan arrintan si baaritaan loo helo.

Wuxuu ugu baaqay dadka lagu qafaashay magaalada Beledweyne in la sii daayo, isagoo dhinaca kale eedeeyay siyaasiyiinta doonaya inay siyaasadeeyaan kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la kiciyo gadka.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON