Kooxda Taliban ayaa shaacisay inay guud ahaan la wareegtay Gobolka Panjshir oo ahaa kan kaliya ee ka maqnaa gacanteeda dalka Afghanistan.
Afhayeenka Daalibaan Dabiixulaahi Mujaahid ayaa shir jaraa’id uga dhawaaqay magaalada Kaabul inuu soo dhammaaday dagaalkii Dooxada Panjshir ee uu hoggaaminayay Axmed Masoud, iyagoo la baxay ‘Jabhadda Qaran ee iska caabinta’, waxaana isku urursaday maleeshiyo beeleed iyo ciidamadii hore ee dowladda Afghanistan.
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyey xubno ka tirsan dagaalyahannada Daalibaan oo hor taagan iridka xarunta guddoomiyaha gobolka Panjshir, kadib markii ay dagaal qaraar oo socday maamo la galeen Jabhadda NRFA ee uu hoggaaminayay hoggaamiyaha Panjshiri Ahmad Massoud.
“Gobolka Panjshir wuxuu gebi ahaanba gacanta u galay Imaarada Islaamiga Afghanistan,” ayuu afhayeenka kooxda Daalibaan, Zabihullah Mujahid oo intaas ku daray dagaalyahannadii caddowga qaarna lagu dilay dagaalka, kuwii kalena ay kala cararreen.
Daalibaan waxay u xaqiijiyeen dadka ku nool Gobolka Dooxada ah ee Panjshir, oo qowmiyad ahaan ka duwan Taalibaan, ayna ku badan yihiin qabiilka Pashtun, inaan la takoori doonin oo ay qeyb ka noqon doonaan dowladda, gobolkaasina ay xukumi doonaan dadka degan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ahmed Massoud, oo hoggaaminayey ciidamada ka dagaalamayey Panjshir iyo halka uu ku danbeeyay.
Daalibaan ayaa guud ahaan gacanta ku heysa dalka Afghanistan oo dhan, kadib markii ay ka baxeen ciidamadii Mareykanka, ayna burburtay dowladii dalkaasi.
