Sunday, June 22, 2025

DAAWO: Bannaanbaxyo looga horjeedo Donald Trump oo ruxay Magaalooyinka Mareeykanka

Kadib guushii lama filaanka ahayd ee Donald Trump ka gaaray doorashada Mareykanka, waxaa sii xoogeysanaya bannaanbaxyada looga soo horjeedo madaxweynenimadiisa.

Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo waaweyn oo ku yaalla Maraykanka, kuwaasoo lagu diiddan yahay doorashada Donald Trump loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Maraykanka.

Ad

Kumanaan qof ayaa hor dhoobtay dhismaha Trump Tower ee New York, kuwaasoo diiddan siyaasadaha Trump ee dhanka soo galootiga, xuquuqda nimow naagga, iyo xuquuqda dhalmada.

Erayada ay dadka isu soo baxay ku dhawaaqayaan waxaa ka mida: “MADAXWEYNE IIMA AHA,  TUURA TRUMP, BADBAADIYA MAREYKANKA iyo ereyo kale oo lagu tilmaamayo madaxweynaha la doortay inuu yahay cunsuri aan mudneyn inuu hogaamiyo Mareykanka.

Kumanaan kale ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Chicago, Philadelphia iyo San Francisco. Portland, Oregon, dad mudaaharaadayey ayaa muddo yar waxay xireen waddo weyn oo gawaaridu marto.

- Advertisement -

Dadka mudaaharaadayey waxay ku dhawaaqayeen ‘ma aha madaxweynahayga’, kalmadaasoo aad looga isticmaalayo baraha bulshada gudaha Maraykanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON