Sunday, June 22, 2025

DAAWO: C/casiis Lafta-gareen: “Dowladda K/Galbeed ayaa ‘Sabeen’ Dowladeed ka xireysa dhibtii ka dhacday Baydhaba..”

Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye  ayaa kulan ay Baydhaba kula yeeshay odayaasha iyo waxgaradka beesha uu kasoo jeedo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.

Arrinta ugu weyn ee kulanka Odayaasha Beesha iyo madaxda ayaa noqday xariga Sheekh  Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo laga reebay doorashadii K/Galbeed, una xiran dowladda Soomaaliya, iyagoo codsaday in wadaadkaas dib loogu soo celiyo xoriyaddiisa.

Waxay Odayaasha su’aal ka keeneen dilka Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanak K/Galbeed oo 14-kii Diseembar 2018 ku dhintay rasaas uu furay askari ka mida ciidamada Baydhaba ku sugan dilka  Cabdishakuur Yacquub Ibraahim (Buulle), ayaan weli xal loo helin, askarigii dilayna uu xoriyad ku ku joogo magaalada Baydhaba.

Ad

https://www.facebook.com/Goobjooge/videos/364958250750422/

C/casiis Lafta-gareen ayaa ku dooday in dhibaatooyinka ay dhaceen isagoo aan madaxdweyne ahayn, haddana uu xalkooda ku jiro. “Wax Alla wixii dhib ahaa ee idin gaaray markii ay idin gaarayeen anigu madaxweyne ma ahayn, Nin musharrax ah oo meel fadhiyey oo wax rabay ayaan ahaa” ayuu yiri Lafta-gareen.

Wuxuu sheegay inuu ka xun yahay wixii dhibaato ahaa ee dhacay Baydhaba. “Sheekha arrintiisa noqotayaa, dadkii dhintay, dadkii dhaawacmay, wixii yaraa ee kalee la kala tabanaayo ha ahaato waa waxaan u ahay masuul… inaan anigu xaliyo taas iyo wax ka badanba waa tii la ii doortay, wixii dhacay maxay u dhaceen ma dhaheyno..” ayuu hadalkiisa raaciyey.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in arrinta Sheekh Roobow ay kala hadleen madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka, meel fiiccana ay mareyso oo xal laga gaari doono sida ugu dhaqsiyaha badan oo ay ka seexdaan arrintaasi, inkastoo aanu faahdaahin dheeraad ah bixin.

“Wixii dhacay ka raali noqda, raali kama ahayn… Sabeen dowladeed ayaan ka xireynaa (dhiibeynaa), dowladda Koonfur Galbeed oo aan madaxweynaha ka ahay ayaa sabeen dowladeed ka xireysa..” ayuu yiri madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON