Tuesday, June 24, 2025

DAAWO: Ciidamo si gaara u tababarran & Eeyahooda oo ka howl galay Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Booliska oo si gaara u tababarran oo wata Eeyo  loo adeegsado baaritanka ayaa la geeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu sugo ammaanka Garoonka Aaden Cadde oo horaantii bishan qarax laga abaabulay uu wax yeelay diyaaradda Daallo.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliska ayaa kormeer howleed ku tegay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo la geeyay ciidamada si aad ah u tababbaran.

Taliyaha markii uu garoonka gaaray waxa uu warbixinno ka dhageystay saraakiisha ammaanka, kuwaasi oo taliyaha warbixinno ka siiyay xaaladda amni ee garoonka Aadan Cadde iyo isbadalka ammaan ee lagu soo kordhiyay garoonka, kuwaasi oo ay ka midyihiin Ciidamada booliska ee sida gaarka ah u tababbaran ee RRT iyo kuwa kale oo loo tababbaray in ay la shaqeeyaan Eeyaha waxyaabha qarxa u riya, si loo adkeeyo Nabadgelyada dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka.

Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlayay ciidamada booliska ee lagu kordhiyay amniga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa ku amray inay koontaroolaan waxkasta oo soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya, iyadoo si hagaagsan loola shaqeynayo shacabka garoonka ka soo degaya iyo kuwa dhoofaya intaba, maadaama boolisku uu yahay saaxiibka koowaad ee bulshada.

2-dii bishan ayay ahayd markii dhagar qabayaasha Al-Shabaab ay ku fashilmeen inay qarxiyaan diyaaradda shirkadda Daalo, taasi oo keentay in uu ku geeriyoodo qofkii ka dambeeyay inuu qarax la eegto diyaaradda, waxaana bulshada Soomaaliyeed ay soo dhaweeyeen hanaanka cusub ee lagu soo kordhiyay garoonka diyaaradaha caaalamiga ah ee Aadan Cadde.

DAAWO SAWIRRO

  

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON