Meydka Marxuun Ugaas C/raxmaan Ugaash Khaliif ayaa maanta Salaada Janaasada lagula dukaday Garoonka kubada cagta ee lagu magacaabo Laqanyo oo ku yaala duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Tukashada Salaadii Janaasada waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Hiiraan, kuwo degmooyinka, waxgarad iyo odayaal dhaqameed ka kala timid Soomaaliya oo ay wehliyaan boqolaal shacab ah.
Meydka Ugaas C/raxmaan ayaa lagu wadaa in galabta lagu aado Qabuuraha Daaro Ugaas oo ku dhow degaanka halgan ee gobolka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA
Goobjooge.com