Dhowaan ayaa la shaaciyay dhibaato la sheegay inay heysato dadka Fiisaha (Dal-kugalka) Itoobiya u raadsada Qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, oo la sheegay in xaalad laga naxo ay ku sugan yihiin oo muddo badan halkaasi lagu cadaadiyo.
Soomaali badan oo ka kala yimid goboladda Soomaalida oo dhan ayaa magaalada Garowe u taga ayaa xaaladooda laga deyriyay.
Dada kala duwan oo ku dhibaateysan magaalada Garowe, qaarkoodna muddo bilo ah sugaya fiisada Itoobiya ayaa markii ugu horeysay wareysiyo lala yeeshay iyagoo ka sheekeeyay dhibaatada weyn ee ka heysta Qunsuliyadda Itoobiya ee Garowe iyadoo codsiyo u diray madaxda Puntalnd.
Cabashada dadkaan Soomaaliyeed oo maalintii oo dhan goob aan munaasibad ahayn u fadhiya siday fiisaha Itoobiya u heli lahaayeen ayaan wali wax muuqda laga qaban, waxaana socda dhaq- dhaqaaq xoogan oo arrinta cabashada wax looga qabanayo.
Dhinaca kale waxaan xiriir la samaynay Laanta socdaalka xarunteeda Garowe si ay jawaab uga bixiso cabashada dadka iyaga soo maray hase yeeshee hadda ma suurta galin inaan haleelno balse waxaan la xiriirnay masuul ka tirsan oo noo sheegay inuu arrintaasi ka jawaabayo sidoo kale waxaan isku dayi doonnaa in safarada Itoobiya xiriir la samayno.
DAAWO VIDEO-GA CALI CABDI DUCAALE