Friday, June 27, 2025

DAAWO: Faahfaahin ku saabsan Qarax Gaari oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax loo adeegsaday Gaari  laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa ayaa Caawa ka dhacay wadada Maka Al-mukarama, iyadoo lala beegsaday Baark Italia ee ku dhow Shinemo Somalia.

Wararka laga helay Saraakiisha amniga ayaa sheegay Qaraxan in lala beegsaay Baar laga cunteeyo oo ku yaalla wadada Maka Al-mukarama oo dad badan isugu yimaadaan, waxaana qasaaraha qaraxa uu gaarayaa 2 qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca 7 kale.

Waxa goobta gaaray ciidamada dowladda, madaxda Gobolka Banadir  iyo taliyaha ciidamada booliska inkastoo aanay saxaafadda weli la hadlin, waxaana burbur weyn soo gaaray dhismooyinkii ka ag dhowaa goobta qaraxu ka dhacay.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON