Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM, howgalkana ka wada gobolka Bay ayaa magaalada Baydhaba keenay gaadiid dagaal oo la sheegay inay ka soo qabsadeen kooxda Alshabaab, kadib dagaal culus oo diyaaradaha dagaalka loo adeegsaday oo ka dhacay degaanka Dalandoole ee duleedka Buurhakaba.
Wararka Baydhabo laga helayo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay magaalada Baydhaha soo dhex mariyeen gaadiidka ay kasoo qabsadeen Alshabaab, iyadoo la soo bandhigay, waxayna wararku sheegayaan in dagaalo culus oo ka dhacay Dalandoole lagu dilay Alshabaab fara badan oo tiradooda aan la shaacin, laguna gubay gaadiid dagaal oo ay wateen.
Hubka iyo Gaadiidka oo maanta lagu soo bandhigay magaalada Baydhaba hoos ka daawo
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]