Tuesday, July 15, 2025

DAAWO: Laba weerar is-miidaamin ah oo lala beegsaday Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Laba qarax oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday laba jid-gooyo oo laga galo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa kuwo xoog leh, waxaana kadib la maqlay rasaas xoog leh oo dhaceysa. Waxaa lasoo weriyay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac iyadoo la arkayo gaadiidka gurmadka degdegga ah oo goobta ka daadgureynaya dadka waxyeeloobay.

Dadka ku dhintay weerarada ayaa waxaa u badan ciidamada ilaalada barta koontaroolka ee laga ilaaliyo iridka Medina Gate, waxaana halkaasi la dhigay gaari ay ka buuxaan waxybaaha qarxa.

Gaariga xoog ku socda ayaa isku dayay inuu awood ku maro jid-gooyada kaasoo ka gudbi waayay ciidamada, halkaasina ku sameeyay qarax weyn,  kadibna waxaa wax yar kadib  qarxay gaari goobta la sii dhigay.

Qarax0

Qarax1

SAWIRRO HORDHAC AH

Qarax-Muqdisho1

Qarax-Muqdisho

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON