Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cllaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka ayaa caawa maamuus u sameeyay dadka u soo halgamay Imaaraadka Carabta, isagoo ubax dhigay xarunta lagu maamuuso dadka u soo halgamay una dhintay Imaaraadka Qaranimada Carabta ee Karaama.

Farmaajo ayaa halkaasi dhigay ubax kadib markii  uu salaan ka qaatay cutubyo ku sugnaa halkaasi, waxaana xarunta ku soo dhoweeyay oo warbixin siiyay Guddoomiyaha Xafiiska qoysaska dadka u shahiiday Imaaraadka u qaabilsan dhaxal sugaya Abu Dhabi Sheekh Khaliifa Bin Daxnuun.

Xarunta ayaa waxaa yaalla 31 loox oo aad u waaweyn, kuwaasoo  ka sameysan macdan oo loogu talogalay in lagu xusuusto dadka Imaaraadka Carabta ee dalkooda wax u qabtay iyo kuwa u shahiiday qaranimada dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maamuuskaas kadib wuxuu saxiixay buug sharafeedka goobta yaalla oo dadka booqda ay saxiixaan, kaasoo lagu sharfo dadka u dhintay dalkooda ee Imaaraadka ah.

الرئيس الصومالي يزور واحة الكرامة 1

الرئيس الصومالي يزور واحة الكرامة 2