DAAWO MUUQAALKA: Garoonka Diyaaradaha Garowe ee Madaxweyne Farmaajo xariga ka jari doono

0

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu magaalada Garowe ka furo Garoonka diyaaradaha magaaladaasi oo qaab casri ah loo dhisay.

Furista garoonka ayaa lagu soo beegay socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmajao ku tegayo Puntland iyo sanadguurada xilligii uu xilka madaxweynaha maamulkaasi qabtay C/weli Maxamed Cali (Gaas).

Garoonka cusub ee diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa loo dhisay qaab casri ah, waxaa booqday madaxweyne Gaas iyo madaxda maamulkaasi, iyagoo ku soo wareegay  qeybaha uu ka koobanyahay Garoonka cusub.

Mudane. Gaas ayaa xaqiijiyay in Garoonka loo dhisay sidii loogu talo galay,islamarkaana uu noqon doona mid u shaqeeya sida garoomada Adduunka. Waa garoonkii labaad ee casri ah oo la dhiso intii uu xilka hayay madaxweyne Gaas, kadib garoonka magaalada Boosaaso.

Â