Dowlada Goboleedka Puntland ayaa soo bandhigtay maxaabiis ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab oo lagu qabtay ciidamada Puntland la galeen kooxdaasi aagga garacad ee Gobolka Mudug.
Maxaabiistan waxaa saxaafadda u soo bandhigay Taliyaha ciidamada Puntland Gen. Saciid Maxamed Xersi wuxuuna sheegay in dagaalkii ciidanka daraawiishta Puntland ka galeen Aagga Garacad uu soo gebageboobay. Wuxuuna intaas ku daray inay kooxda Alshabaab ka dileen 208 maleeshiyo sida uu yiri, ayna kasoo qabteen 46 maxbuus.
Waxaa kaloo uu sheegau in laga qabtay agab ciidan oo ka kooban 165 qori oo isug jira BKM, AK47, Baasuuke 7 (RPG 7), F1 iyo walxaha qarxa iyo agabka loo isticmaalo isgaariinta.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA MAXAABIISTA ALSHABAAB
Goobjooge.com