Monday, June 23, 2025

DAAWO: Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Maamuus u sameeyay halgamaasha Dalka Imaaraadka Carabta

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka ayaa caawa maamuus u sameeyay daljirayaasha dahsooon (dadka u soo halgamay) Imaaraadka Carabta.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ubax dhigay xarunta lagu maamuuso dadka u soo halgamay una dhintay Imaaraadka Qaranimada Carabta oo lagu magacaabo Karaama. Wuxuuna sallaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada maamuuska dalkaasi.

Waxaa xarunta Karaama kusoo dhoweeyay oo warbixin siiyay Guddoomiyaha Xafiiska qoysaska dadka u shahiiday Imaaraadka u qaabilsan dhaxal sugaya Abu Dhabi Sheekh Khaliifa Bin Daxnuun Al-nahyan.

Xarunta ayaa waxaa yaalla 31 loox oo aad u waaweyn, kuwaasoo  ka sameysan macdan, laguna xardhay magacyada hogaamiyeyaasha, ciidamada iyo dadkii kala duwanaa ee u dhintay dalkooda si loogu xusuusto.

Ra’iisal wasaare Kheyre maamuuskaasi kadib wuxuu saxiixay buug sharafeedka goobta yaalla oo dadka booqda ay saxiixaan, kaasoo lagu sharfo dadka u dhintay dalkooda ee Imaaraadka ah.

Goobtan waxaa isna hore u booqday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo socdaalkiisii koowaad ee dalka Imaaraadka Carabta.

SAWIRRO

رئيس وزراء الصومال يزور واحة الكرامة /1/

رئيس وزراء الصومال يزور واحة الكرامة /2/

رئيس وزراء الصومال يزور واحة الكرامة /3/

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON