Tuesday, July 1, 2025

DAAWO SAWIRRIO: Kulan dhex maray Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal ku maraya dalalka ay ciidamadu ka soo joogaan Soomaaliya ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen madaxda dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa la kulmay dhigiisa Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, iskaashiga dhanka ammaanka  ah iyo dar dargelin la dagaallanka argagixisada gobolka ku dhuumaaleysaneysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib socdaal ku tegi doona magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedkii 4-aad ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta America.

Shirkaasi oo looga hadli doono iskaashiga labada dhinac, ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan 22-ka dal oo Jaamacadda Carabta ka tirsan, iyo 12 dal oo ka socda Koonfuurta America.

DAAWO SAWIRRO

 

IB0A8503

IB0A8535

IB0A8539

IB0A8557

IB0A8560

IB0A8563

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON