7 saxafi ayaa ku dhaawacmay weerarkii qaraxyada ahaa ee kooxda Alshbaab maanta ku qaadyeen Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.
Qasaaraha weerarka ayaa sare u kacay iyadoo dhimashada ay haatan gaareyso 20 oo ay ku jiraan maleeshiyada weerarka ku qaaday hotelka, halka dhaawaca uu ka badan yahay 40 oo ay ku jiraaa odayaal dhaqameed.
Xoghayaha guud ee ururka Saxafiyiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa xaqiijiyay in ilaa 7 weriye dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen weerarkii Hotelka Dayax oo la dhigay isbitaalada Muqdisho.
Weriyeyaasha dhaawacmay waxaa ka mida:
Farah-AP oo u shaqeeya wakaalad wararka AP
Maxamed C/wahab oo Reuter ah
Gacal oo weriye madax bannaan ah
Weriye Gurey
C/qadar C/llaahi oo Radio Kulmiye ka howlgala
iyo weriyeyaal kale
DAAWO SAWIRRADA
Visiting journalist colleagues in Madina hospital they were among the wounded pple of Today's huge blasts in Mogadishu l. Hospital too busy pic.twitter.com/SWSxKRIw35
— Mohamed Moalimuu (@MOALIMUU) January 25, 2017