Kooxda Alshabaab ayaa soo bandhigtay ciidamo cusub oo ah kuwa loo yaqaan XISBADA, kuwaasoo dib u habeyn lagu sameeyay dibna loo howgelinayo.
Dhoolatus ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayay Alshabaab ku soo bandhigtay ciidamadan oo qaabilsan ilaalada iyo ka hortagga munkarka.
Bandhigga ciidamada waxaa ku sugnaa saraakiisha kooxda Alshabaab, waxaana isugu soo baxay dadweyne fara badan oo magaalada laga soo saaray si ay u daawadaan bandhigga.
DAAWO SAWIRRO