Wadfigii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee socdaalka ku jooga Boqortooyada Sacuudiga ayaa la kulmay Boqorka dalkaasi Boqor Salmaan Bin C/casiis iyadoo kulankaasi ka dhacay Qasriga Yamaama , waxaana goobjoog ka ahaa Amiirka Gobolka Riyaad Amiir Feysal Bin Bandar, Amiir Bin Naa’if oo ah ninka leh dhaxalka iyo wasiirka arrimaha gudaha.
Sida ay sheegtay wakaalada wararka Sacuudiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo qaabilay iyadoo loo sameeyay soo dhoweyn madaxweyne lana tumey misuusikada labada dal, wuxuuna salaan ka qaatay ciidamada ilaalada boqortooyada.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xaalada xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa kooxaha xagjirka ah, iyadoo loo sameeyay qafo sharaf. Boqorka Sacuudiga ayaa mid mid u gacan qaaday xubnaha wafdiga Soomaaliyeed ee wehliya madaxweynaha, sidoo kale madaxweynaha Soomaliya ayaa isna gacan qaaday Amiirada iyo mas’uuliyiinta Sacuudiga. Soo dhoweynta Boqor Salaam ayaa ahayd tii ugu weyneyd uguna qiimaha badneyd ee muddooyinkana madaxweyne Soomaaliyeed loogu sameeyo dalka Boqortooyada Sacuudiga
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA CAJIIBKA AH









Goobjooge.com