Qodobkii ugu adkaa heshiiskii magaalada Gaalkacyo ayaa lagu guuleystay in la fuliyo galabta, kadib markii la kala qaaday ciidamadii isku horfadhiyay Galbeedka magaalada.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’rake, Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed oo ay wehliyaan wasiiro iyo xildhibaanada labada dhina ka tirsan ayaa ku kulmay Dooxada Galbeed oo ah goobtii ay isku hor fadhiyeen Ciidamada labada Maamul.
Waxaa la arkayay dhaqan gelinta ciidamada la kala qaadayo oo socota, waxaana madaxda uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha ay sheegeen in la hirgelinayo qodobadda ka dhiman heshiiska sida: In dib loo soo celiyo dadkii Magaalada ka barakacay.
DAAWO SAWIRRO