Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid.
Xasan Cali Kheyre ayaa shalay codka kalsoonida ka helay baaralmaanka, iyadoo xilak loo dhaariyay. Ra’iisal Wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa xafiiskiisa ku soo dhoweeyay, xilka ku wareejiyay Ra’iisul wasaaraha cusub Xasan Cali Khayre, waxaana xaflad kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada.
Xafladda xil wareejinta waxa goobjoog ka ahaa wasiiradii xukuumadii hore, saraakiisha ciidamada iyo shaqaalaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
DAAWO SAWIRRADA