Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa shaaciyey in kulanka aadka loo sugayo ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu ka dhici doono hoteel ku yaalla jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore.
Kulankan taariikhiga ah ee la qorsheeyay ayaa dhici doona 12 bishan June, waxayna noqon doontaa markii koobaad ee ay kulmaan hogaamiye Kuuriyada Waqooyi iyo madaxweyne xil haya oo Maraykan ah, iyadoo lagu sigtay inuu fashilmo.
Trump wuxuu sheegay Talaadadii in qorsheyaashu ay “si wanaagsan u socdaan”. “Xiriiro badan ayaa la sameeyay, wada xaajoodyo badan ayaa socda safarka ka hor” ayuu ku yiri saxafiyiinta. “Waa arrin ahmiyad leh” maalmo aad muhiim u ah ayayna noqon doonaan”.
Xoghayaha dhanka saxaafadda ee Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka Sarah Sanders ayaa Twitter-ka ku xaqiijisay in shirku uu ka dhici doono hoteelka Capella. Sentosa waa mid ka mid ah 63-da jasiiradood ee ay Singapore ka kooban tahay.
Jasiiraddan oo badkeedu yahay 500 Hektar waxay caan ku tahay goob loo tamashle tago, doomaha qaaliga ah ee sida gaarka ah loo adeegsado iyo goobo lagu ciyaaro golf. Balse jasiiraddaas ayaa sidoo kale taariikh hore u leh, burcad badeed, dhiig ku daata iyo dagaal.