Saturday, June 28, 2025

DAAWO SAWIRRO: Jid-gooyo Nooc cusub ah oo lasoo dhigay Qaar ka mida Degmooyinka Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya jidgooyo cusub oo ka dhan ah mootooyinka lagu soo kordhiyey mid ka mida degmooyinka G/Banaadir iyadoo lagu jiro saacdihii ugu danbeeyay ee madaxweynaha Soomaaliya u qabtay in wadooyinka lagu furo mudo 48- saacadood ah.

Wadooyinka xaafadaha dhexdooda ee degmada Waaberi ayaa lagu xiray biro looga hor istaagayo inay maraan Mootooyinka, iyadoo wadooyinka degmada Waaberi oo hore ahaa qaar aad u yaryar oo aanay adeegsan karin gaadiidka caadiga ah lagu sii xiray Birooyin culus. tasoo ciriiri kale ku sii kordhineysa wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Qaab cusub oo aan hore loo arag ayay Ciidamada amniga dowladda u xireen wadooyinka yaryar ee degmada Waaberi, waxaana laga cabsi qabaa in birahaasi ku sii fidaan degmooyinka kale, iyadoo hore dhagaxyo shub ah iyo Carro loogu xiray wadooyinka xaafadaha dhexdooda.

Sidoo kale xaafadaha Degmada Hawlwadaag Mootooyinkii isticmaali jiray, ayaa iyagana waxaa lagu gooyay biro oo sababay inay Mootooyinka Bajaajta adeegsan waayaan. Dadka Muqdisho ayaa yaab ka qaaday qorshahan cusub ee jid-gooyada ah xilli ay sugayeen in wadooyinka la furo.

Waa markii labaad amar jid furis ah oo kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya uu keeno in jid gooyo iyo xiritaan cusub oo wadooyinka Muqdisho ku yimaada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON