Friday, July 4, 2025

DAAWO: Sawirro laga helay Gaari weeraro ka fuliyay Muqdisho oo ku qarxay Ex. Koontarool Afgooye

Afar askari ayaa ku dhaawacmay Gaari ku qarxay Bar ciidan, ex. koontatool Afgooye xilli ay baarayeen ciidamada, iyadoo uu ka baxsadeen dadkii la socday.

Gaarigan ayaa la sheegay inuu soo qabtay taliyaha ciidamada Dayniile ciidamo watay, laakiin markii dambe uu qarxay. Sawirka gaariga intii aanu qarxin iyo markii uu qarxay kadib ayaa laga helay dad goobjoogeyaal ah.

Gaarigan ayaa saaka la sheegay in saaka uu weerar ka fuliyay magaalada Muqdisho, isla markaana uu dhaawacay 3 askari, iyagoo dableyda saarneyd ay wateen qoryo aan dhawaaq  lahayn.

Gaariga ayaa dabley saarneyd la sheegay inay isku dayeen saaka inay khaarijiyaan mid ka mida madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya, iyadoo ay rasaas is weydaarsadeen ciidamada ammaanka.

Qofkii watay ayaa ka baxsaday markii uu gaariga bacaad ka galay agagaarka Ex. Koontarool Afgooye.

DAAW SAWIRRO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON