Tuesday, June 24, 2025

DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong-un oo gaaray dalka Singapore

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa gaaraydalka Singapore isaga oo halkaas kulan la wada sugayo kula leh madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Kulankan taariikhiga ah ayaa ka dhici doona jasiiradda loo tamashle tago ee Sentosa maalinta Talaadada ah. Waxayna noqon doontaa markii koobaad ee madaxweyne Maraykan ah oo xil haya uu la kulmo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Intii uusan Trump u duulin shirka wuxuu kulankaas ku tilmaamay “fursad qur ah oo lagu beegsan karo” nabadda wuxuuna intaas ku daray in labadoodu ay arrinta si dhab ah ugu soo jeedaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Singapore Vivian Balakrishnan ayaa Twitterka soo galiyay sawirka Kim ka dib markii uu jasiiradda dalkaas cago dhigtay. Washington waxay rajaynaysaa in shirkan uu noqon doono billawga qorshaha uu Kim kaga tanaasulayo hubkiisa nukliyeerka ah.

Xiriirkii labadan masuul  ayaa ahaa mid aad u xun oo mararka qaarkood ay isugu hanjabeen dagaal lagu halaagsamo, haddase waxay go’aansadeen in ay is hor fariistaan oo ay kulan yeeshaan.

Labada masuul waxay la kulmi doonaan ra’iisulwasaaraha Singapore Lee Hsien Loong ka hor inta aysan yeelanin kulan fool ka fool ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON