Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, iyadoo garoonka uu uga hortegay Madaxweyanhadalkaasi Isias Afawerki.
Dadweyne fara badan ayaa dhoobnaa wadooyinka, waxaana si heer sare loo maamuusay madaxweynaha Soomaaliya oo noqonaya hoggaamiyihii labaad ee booqda dalka Eritrea kadib heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Eritrea.
Madaxweyne Farmaajo ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo booqda dalka Eritrea, wuxuuna wadahadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eritrea Asias Afawerki.
DAAWO SAWIRRO