Maleeshiyo Beeleedyadii maalmahan ku dagaallamayay Duleedka Magaalada Baladweyne ayaa la kala qaaday.
Ciidamada AMISSOM, kuwa Dowladda Soomaaliya, iyo maamulka Gobalka Hiiraan maanta kala dhexgalay labo meeleeshiyo beeleed oo ku dagaalamayay maalmahan galbeedka magaalada Baladweyn.
Afhayeenka Guddiga Ammaanka Col. Cabdi Axmed Weheliye, ayaa sheegay in ay goobta tageen iyadoo uu dagaalku socdo, isla markaana ay ku guuleysteen in ay kala dhex galaan meeleeshiyada labada beel.
Waxa uu hadalka intaa ku daray inuu goobtu ku geeriyooday Hal Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Booliskiisa Soomaaliyeed, markii ay haleeshay Rasaastii lays weydaarsanayay.
Maamulka Gobolka, Odayaasha dhaqanka, Guddiga nabd gelyada ee loo xilsaaray joojinta dagaalada iyo Taliska Amisom, ayaa si wada jir ah isugu raacay inay Beeshii qaadan weyda Xabbad joojinta in laga qaadayo tallaabo loo dhan yahay.
DAAWO SAWIRRADA