Monday, July 14, 2025

DAAWO SAWIRRO: Muqdisho oo maanta marti gelineysa Shir madaxeedka IGAD

Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta marti gelineysa markii ugu horeysay shir madaxeedka urur Goboleedka IGAD ee aan caadiga ahayn.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo Magaalada Muqdisho ay xirneyn laga soo bilaabo 9-kii bishan waxaana wadooyinka laga joojiyay inay maraan gaadiidka iyo ciidamada qaarkood.

Shir madaxeedka IGAD ee Muqdisho ayaa ka dhacaya hotel saaran garoonka Muqdisho, waxaana uu ku eg yahay maalin qura sida shir madaxeedyada IGAD caadadda u ah.

Madaxda Soomaalida, siiba madaxweyne Xasan Sheekh ayay maanta hor taallaa howl adag, iyadoo marti loo yahay, waxaana la sugayaa inta badan madaxda IGAD inuu ku soo dhoweeyo caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys  Jaamac ayaa sheegay in ajendayaasha shirka looga hadlayo ay ka mid noqon doonaan Xaaladda Koofurta Suudaan iyo Soomaaliya.

Shirkan ayaa micne badan ugu fadhiya dadka ku nool caasimadda Muqdisho, kadib markii uu ciriiri geliyay isu socodkii dadka muddo 5 maalmood ah, isla markaana uu ku soo beegmay munaasabadda Ciidul Adxaa.

Wadooyinka magaalada ayaa haawanaya marka laga reebo dadweyne lugeynaya, waxaana aad u yaraaday ganacsiga wadooyinka waaweyn ee caasimadda oo xilliyadan oo kale aad u shidnaa.

Muqdisho waxay marti gelineysaa shirka madaxeed heer goboleed ah, iyadoo tahay maalin taariikhi ah oo mudan in la xuso.

SAWIRRADA QABANQAABADA SHIRKA

IGADigad-xamar

igad-mogadishu5igad-mogadishu6igad-mogadishu7
igad-mogadishu2
igad-banner

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON